Thursday, July 24th, 2014

Warbixin laga qoray dhaqaalaha dhuxusha Kismaayo laga dhoofiyo

Published on December 2, 2012 by   ·   No Comments

Kismaayo: Wariye wax ku qora jariirada The Time oo lagu magacaabo Tristan McConnell ayaa bishii Oktoobar booqday magaalada dekeda ee Kismaayo halkaasoo sida uu warbixin uu ku qoray Wargeyska ku sheegay, inuu kaga qeybgalay kulan looga hadlay dhoofinta dhuxusha taalla halkaasi.
Tristan McConnell waxaa uu warbixintiisa ku sheegay in goor galab Isniin ah bishii Oktoobar xilli uu joogay Kismaayo uu ka qeybgalay kulan u dhexeeyay rag ganacsato ah iyo saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Raskambooni, waxaana kulankaasi uu ku saabsanaa dhoofinta dhuxusha taalla Kismaayo ee ay dawlada iyo Qaramada Midoobay xayiraada ku soo rogeen.
“Dhinac waxaa fadhiyey 20 nin ganacsato Soomaali ah oo ku fadhiya dermo ka sameysan caws, waxay xiran yihiin kabo sandal ah- iyagoo xiran macaawiis, shaatiyaal gacmo gaab ah iyo cimaamado. Dhinaca kale waxaa kuraas caag ka sameysan ku fadhiya saraakiil ka mid ah ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya iyo maleeshiyada xulufada la ah ee Raskambooni..” ayuu ku bilaabay warbixintiisa wariyaha oo isku sheegaya inuu yahay wariyaha kaliya ee reer Galbeedka ah ee bku sugnaa xillgaasi gudaha Kismaayo.
Wariyaha ayaa sheegaya in 15 bilood ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay Soomaaliya, iyadoo dib u dhacyo waaweyn ay ku dheceen ururka Al Shabaab. Qabsashada Kismaayna ay ahayd arrin muhimad weyn lahayd marka loo eego baaxada dhuleed iyo istiraatiijiyada ah leedahay.
Hase yeeshee- Tristan McConnell ayaa sheegay in farxadii guusha qabsashada Kismaayo ay si deg deg ah isugu rogtay “Kharaar” sida aan ogaaday ayuu leeyahay wariyaha, taasoo uu ula jeedo in khilaafka ka dhex oogan maamulka Kismaayo iyo dawlada Soomaaliya iyo saameynta joojinta dhuxusha.
Mudaddii burburka Soomaaliya, ganacsiga ayaa ahaa waxa ugu weyn ee dalka ka jiray, kaasoo ka koobnaa ganacsiga Geela, beeraha Cambaha, shirkadaha isgaarsiinta iyo dabcan hubka iibkiisa, sida uu leeyahay wariyahan oo sheegay in nooca ganacsiga ee ugu faa’idada badan uguna dhibka badan Soomaaliya uu yahay dhuxusha.
Ganacsiga dhuxusha iyo Al Shabaab.
Sida warbixinta lagu qoray wargeyska the Time ay sheegtay, ganacsiga dhuxusha waxaa uu aad u xoogeystay intii ururka Al Shabaab ay ka talinayeen Jubbada Hoose, inkastoo aaney Al Shabaab si toos ah u maalgelin dhuxusha ayaa haddana waxay si joogto ah uga qaadi jireen canshuur aad u fara badan laga soo bilaabo diyaarinta dhuxusha illaadekeda ay ka dhoofto.
Wargeyska ayaa soo xigtay warbixin ay horey u soo saartay kooxhoostagta Qaramada Midoobay oo sheegtay in sanadkii hore oo kaliya illaa $25 milyan oo doolar ay Al Shabaab ka heleen dhoofinta dhuxusha taasoo loo cuskaday mamnuucistii golaha amaanka ay saareen dhoofinta dhuxusha Soomaaliya bishii Febraayo.
Dhuxusha taalla Kismaayo ayaa hadda lagu qiyaasayaa illaa afar milyan kiish taasoo qiime ahaan gaareysa $40 milyan doolar taasoo uu sheegay in tan iyo markii la xayiray si tartiib tartiib ah ku socotay.
Wariyuhu wuxuu yiri; inkastoo dibu bilaabida dhoofinta dhuxusha ay u muuqato fikrad xun, haddana ganacsatada Kismaayo – oo qaarkood ah cadawga Al Shabaab dhamaantoodna wada hubeysan ayaa diidan joojinta dhuxusha.
Kismaayo iyo Raskambooniyiinta?
Wariyahan reer Galbeedka ah oo ka sheekeeyay Raskambooni ayaa sheegay in qabashadii Kismaayo ay kaalmo weyn ka geysteen ciidamada Raskambooni, oo sida uu leeyahay ka soo jeeda “qabiilka Ogaadeen”.
Wariyaha ayaa markii uu ka hadlayey Raskambooni iyo hogaamiyahooda Sheekh Axmed Madoobe sheegay;
Ras Kamboni Brigades, an ethnic-Ogadeni-clan militia run by Sheik Ahmed Madobe. Madobe is a tall, bearded warlord who has himself undergone a remarkable rebirth. Five years ago he was an Islamist commander targeted by American missiles. Today he is a crucial ally in the war on al-Qaeda in Somalia. He wants the charcoal trade restarted. “The economy of this city is 90% charcoal,” Madobe told me. “Businessmen have invested a lot of their money and the U.N. embargo is blocking it. The stockpile cannot be returned to the trees. It should be sold.”
Maleeshiyada Raskambooni waxaa maamul Sheekh Axmed Madoobe. Madoobe waa nin dheer oo gadh leh oo ah qabqable dagaal oo laftiisa soo maray dib u dhalasho la yaab leh. Shano sano ka hor wuxuu [Axmed Madoobe] ahaa horjooge ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta oo ay beegsadeen duqeymihii Mareykanka [ee Jubbada Hoose]. Maantana waa saaxiib muhim u ah dagaalka lagula jiro Al Qaacida ee Soomaaliya.
Axmed Madoobe wuxuu rabaa in dib loo bilaabo ganacsiga dhoofinta dhuxusha. “Dhaqaalaha ka jira magaaladani waa dhuxusha 90%. Ganacsatada ayaa lacagtooda tirada badan geliyey dhuxusha Qaramada Midoobayna way ka xanibeen. Dhuxusha jawaanada ku tiirsan dib looguma celin karo dhirteedii, waa in la iibiyaa” sidaasi waxaa wariyaha u sheegay Sheekh Axmed Madoobe.
Muranka Kismaayo iyo danaha Kenya
Qeybta ugu dambeysa warbixinta wargeyska ayaa tilmaantay in muranka ka taagan Kismaayo uu dib lugaha ula galay dawlada dhexe iyadoo dadaaladii lagu doonayey in maamulkii ugu horeeyay [xilligii Al Shabaab kadib] ee laga sameeyo Kismaayo uu hadda hakadgalay joojinta dhuxusha iyo muranka ka dhashay darteed.
As for attempts by the national government to establish its rule, earlier this month Madobe refused to meet a presidential delegation sent to Kismayo, issuing a scarcely veiled threat that he could not guarantee their safety if they entered the city.
Wariyaha qoray sheekada ayaa tusaale u soo qaatay bishii hore markii wafdigii dawlada Soomaaliya ee tagay Kismaayo dib looga soo celiyey, taasoo wariyuhu sheegay inuu ka dambeeyay Sheekh Axmed Madoobe oo diiday inuu la kulmo wafdiga dawlada ay soo dirtay, isagoo welibana si daah loo yeelay u digay in wafdigaasi haddii ay galaan Kismaayo aanu [isaga] masuul ka ahayn amnigooda.
Laakiin wariyahan reer Galbeedka ayaa isagoo sababeynaya khilaafka Kismaayo ka jira, sheegay in maamulida Kismaayo ay ka dhigan tahay inaad maamusho dhaqaalaha koonfurta Soomaaliya.

Hase yeeshee wuxuu arrintaasi lafteeda ku soo daray in saraakiisha iyo siyaasiyiin Kenya ay rabaan in ay dhaqaalaha Kismaayo uga faa’ideystaan doorashada soo socota ee wadankooda ka dhacaysa.
Intii aan joogay Kismaayo waxaan arkay, ayuu leeyahay waruyaha saraakiil Raskambooniyiinta ka tirsan iyo kuwa Kenyan ah oo kormeer ku sameynaya markab shamiinto laga dejinayey oo dekeda taagnaa.

Source: RBC Radio.

Readers Comments (0)




Wararka

Afarta nin ee dilka lagu fuliyey maanta.

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay rag la sheegay in ay Al-Shabaab ka tirsanaayeen (Sawiro)

July 24, 2014
Muqdisho: Kadib markii Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee ...
saacid

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo dowladda ka dalbaday in ay caddaaladda horkeento kooxihii dilay fanaanadda Saado Cali Warsame

July 24, 2014
Muqdisho: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi ...
Saado

War deg-deg ah: Fanaannadii caanka aheyd ee Saado Cali Warsame oo la dilay

July 23, 2014
Muqdisho: Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo ...
Dr-Abdirahman-D-Beileh1

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Israel dagaalka ay ka wado dhulka Falastiiniyiinta

July 23, 2014
Muqdisho:  Xoogaga Israel waxa ay xoojiyeen 20 July ...
telephone-lg

Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis wada-shaqeyneed

July 22, 2014
Muqdisho: Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ...
abdiweli

Xukuumadda Soomaaliya oo ka dooday waxyaabaha ka hirgalay barnaamijka hiigsiga cusub (Sawiro)

July 22, 2014
Muqdisho: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ...
Allaha u naxariisto Marxuum Maxamuud Cali Maxamuud oo meydkiisa Nairobi laga helay

Booliiska Kenya oo baaraya nin Soomaali ah oo la dilay (Dhageyso)

July 21, 2014
[caption id="attachment_28263" align="alignleft" width="300"] Allaha u naxariisto Marxuum ...
mombasa

Afar qof oo lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo waraaqo la daadiyey

July 21, 2014
Mombasa: Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay ...
IMG_39561

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya oo xilka la wareegay (Akhriso taariikh nololeedka taliyaha)

July 21, 2014
Muqdisho: Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ...
DUALE_BARRE

Duale Tells Lamu Muslims to Defy Kimaiyo Curfew

July 20, 2014
Lamu, Kenya: National Assembly Leader Aden Duale has ...
IMG_3411

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey

July 20, 2014
Garowe: Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ...
Abdi-Warsame-300x199

Abdi Warsame: Halyeey U Hiiliyey Takaasiilayda Somaaliyeed

July 20, 2014
Minneapolis: “Hanad Soomaaliyeed baa tohoo haatan noo kacaye Adaa ...
dhuxulow

Xukuumadda oo war ka soo saartay waxyaabaha u qabsoomay dowladda toddobaadkii tagay

July 19, 2014
Mogadishu, 19 July 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa ...
Al-shabaab

Al-Shabaab oo sheegtay weerar khasaare sababay oo ka dhacay dalka Kenya

July 19, 2014
Muqdisho: Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda weerar maanta ...

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay isku duwaha howlaha bani’aadanimada Qaramada Midoobey (Sawiro)

July 16, 2014
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh ...
Hassan sheikh

UN monitors allege ‘conspiracy’ to divert Somali assets

July 16, 2014
Washington; A United Nations panel that monitors compliance ...

Maqaalada

Baaq nabadeed

Shir nabadda gobolka Gedo looga hadlayey iyo dagaalladii ka dhacay magaalada Beledxaawo oo lagu soo gabagabeeyey Doolow (Daawo)

June 14, 2014
Doolow: Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa lagu soo gabagabeeyey shir ergooyin kala duwan ay ka qeybgaleen oo ...
Jamal-Osman.M1

I am a British citizen, not a second-class citizen by: Jamal Osman

May 27, 2014
London: If you are British and think that every British citizen enjoys the same rights, my story and ...
Aden Olujog

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.2aad) – W.Q. Aden Colujoog

May 4, 2014
Phoenix: Isku soo dhawaashaha adduunka (Globalization) ee ay sahleen adeegsiga farsamooyinka casriga ah, iyo isku xirnaashaha bulshada caalamka ...
maqaal-1

MAQAAL: Dib u Heshiisin waa higsashada mustaqbal danwadaag lagu yahay

April 30, 2014
 Minneapolis: Shan Jabhadood oo hubeysan oo isku ujeedo sheeganaya-SSDF, SNM, USC, SPM, iyo SDM- ayaa ka soo horjeestay Dowladdii ...
Goonjeex-

Siyaasiga Cabdiweli Cilmi Goonjeex oo lagu soo dhaweeyey Seattle, Washington (Daawo)

April 29, 2014
Seattle: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey ...